Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar loo adeegsaday Bam nooca Gacanta laga tuuro ah oo habeenimadii xalay aheyd lagu qaaday Goob Maqaaxi ah oo ku taalla Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Dad ku sugan Kismaayo oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in Maqaaxida la weeraray ku taallo xaafada Farjanno ee Magaaladaas, waxaana la sheegay in goobtaas ay inta badan fariirsan jireen Ciidamo ka tirsan Jubbaland.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka Bam Gacmeedka ahaa, waxaana goobta ku geeriyooday laba ruux oo shacab ah, tirro kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, kuwaasi oo la dhigay Xarun Caafimaad.
Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Maamulka Jubbaland ayaa si deg deg ah u tegay Maqaaxida la weeraray, waxaana gurmadka loo sameeyay dadkii waxyeelada kasoo gaartay weerarkii dhacay.
Sidoo kale Ciidanka amniga Jubbaland ayaa sameeyay howlgalo kala duwan oo ay ku raadinayaan ragii dambeeyay weerarkaas ka dhacay Magaalada Kismaayo, iyadoo la sheegay in ragga fuliyay falka goobta ay baxsadeen.
Weli ma jiro wax wax ah oo kasoo baxay laamaha amniga Jubbaland oo ay uga hadlayaan weerarka lagu qaaday Maqaaxida, In kastoo la tilmaamayo inay socdaan howlgalo baaritaano ah.