Dabley hubeysan ayaa fiidnimadii xalay gudaha Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool waxaa ay ku dileen Mas’uul ka tirsanaa Guddiga doorashooyinka Somaliland, waxaana kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.
Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in dableyda ay toogteen Guddoomiyihii Guddiga doorashooyinka Somaliland ee Gobolka Sool oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Laba-go’le, xili uu ku sugnaa xaafad ka tirsan Laascaanood.
Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in goobta uu falku ka dhacay ay ka baxsadeen raggii ka dambeeyay falkaas lagu dilay Guddoomiye Cabdullaahi Laba-go’le oo u geeriyooday xabbado dhowr ah oo lagu furay.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga Somaliland iyo Guddiga doorashooyinka oo ay uga hadlayaan dilka loo geystay Guddoomiyihii Guddiga doorashooyinka Somaliland ee Gobolka Sool.
Wararkii ugu dambeeyay ee saakay laga helayo Magaalada Laascaanood ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu ka socdo howlgal ay wadaan laamaha amniga Magaaladaas oo ay ku doonayaan inay ku soo qabtaan dadkii fuliyay dilka Marxuum Cabdullaahi Laba-go’le.