Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar-Filish) ayaa ka Jawaabay ay u soo gudbiyeen dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaajta iyo dadweynaha.
Qoraal kaaoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay in wado Interlog ah saaray Luuq yar oo maritaankiisa dhib ku qabeen Gaadiidka Bajaajka oo ka qeyb qaata koboca dhaqalaha dadweynaha Muqdisho.
Wadadan oo dhirirkeedu dhan yahay 30 Mitir oo u dhexeysa Masaajidka Madoow iyo Sayidka ee degmada Hawlwadaag ayaa durba soo dhaweeyey darawalada gaadiidka Bajaajta iyo dadweynaha.
Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa intaas lagu sii daray in dhismaha wadadaan Interlog ah saaray uu fuliyey Agaasime ku-xigeenka Waaxada Howlaha Farsamada ee Dowladda Hoose Mudane Bashiir Shoombe shuute.
Suuqa yar ee la saaray Interloga ayaa ah mid ay mari karaan oo kaliya gaadiidka Mooto Bajaajta, waxaana uu yahay mid ay Mootooyinka iska sugaan marista wadada, sidoo kalena ah dalcad, iyadoona halkaas ay ka jirtay dhibaato ay ka qabaan Bajaajleyda.
Darawalada Mooto Bajaajta ayaa dhowr jeer cabasho kala duwan u gudbiyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahan Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar-Filish), waxaana xusid mudan in cabashooyinka qaar uu ka Jawaabay Maamulka Gobolka.