Mareykanka iyo Britain oo caddeeyay mowqifkooda ku aaddan khilaafka Farmaajo iyo Rooble

Safaaradaha Mareykanka iyo Britain ee magaalada Muqdisho ayaa caawa shaaciyay in ay taageersanyihiin Shirka Wada-tashiga Qaran ee uu ku baaqay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ee la filayo inuu Muqdisho ka dhaco todobaadkaan.

War kooban oo lagu daabacay barta tiwitter-ka ee safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay,” In Mareykanku uu sii wadayo taageeridda Shirka Wada-tashiga Qaran ee lagu wado in todobaadkaan uu ka dhaco Muqdisho.

Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay, in wadahadallada madashan ay muhiim u yihiin dardargelinta hannaanka doorashada Soomaaliya iyo sixitaanka qaladaadki dhacay”.

Sidoo kale safaaradda UK ee Soomaaliya ayaa iyaduna taageertay shirkaan, kaddib qoraal rasmi ah oo barteeda twitter-ka ay ku faafisay caawa safiirka Britain u fadhida Soomaaliya, Kate Foster. Waxay sheegtay in shirkan muhiimka ah uu yahay halka lagu xallin karo cabashooyinka iyo arrimaha jira.

Ra’isulwasaare Rooble ayaa dhawaan ku baaqay in 27-ka Bishan December oo ku beegan berri ay madaxda madasha wada-tashiga qaran isugu yimaadaan shir looga arrinsanayo dardargelinta doorashooyinka. Laakin, Madaxweyne Farmajo ayaa xalay isna dhankiisa uga dhawaaqay shir kaasi ka duwan.

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor