Dowladda Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirka Shiinaha iyo Afrika

Shirkaan oo ka dhacay Machadka Shiinaha iyo Afrika ee magaalada Beijing ayaa waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay Waaxda xariirka caalamiga ah ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Shuuciga “IDCPC” ee talada ka haaya dalka Shiinaha iyo madaxda Machadkaasi.

Danjire oo shirka uga qeyb galayay qaab fogaan arag ah ayaa waxa uu  halkasi ka jeediyay khudbad   taabaneysa dhinacyo badan wuxuuna xoogga ku saarayay xariirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Danjire Cawaale Kullane ayaa ka dhawaajiyay muhiimada ay dhalinyarada u ledahay xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha, waxa uuna dhalinyarada ku dhiiri galiyay in ay dhaxlaan xariirka saaxiibtinimada soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa dhankiisa warqad furan oo shirkan ku socotay oo hambalyo ah u diray shirka 6-aad ee Madasha Shucuubta Shiinaha iyo Afrika.