Dowladda Somalia oo shaacisay xilliga la qaadayo Imtixaanka shahaadiga ee Dugsiyada Sare

Wasaaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday goor dhow oo Galabta ah waqtiga rasmiga ee la qaadayo Imtixaanka midaysan ee fasalka 12-aad.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashadda Xukuumadda ayaa waxaa lagu sheegay in wadatashi dheer kadib la go’aamiyay in Imtixaanka sanad dugsiyadeedka 2021/2022 la qaado oo ay Ardayda u fariistaan 18-ka ilaa 22-ka Juun, 2022.

Wasaaradda ayaa  ku boorisay, isla markaasna ka rajeyney dhammaan ardayda dhigata fasalka 12aad in ay u diyaar-garoobaan imtixaanka, sidoo kalena waalidiinta iyo maamulayaasha dugsiyadana ka dalbatay in ay ardayda ku garab-siiyaan diyaar garowgooda.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa dhammaan ardayda ka qalin-jabinaysa fasalka 12aad ee sanad dugsiyadeedka 2021/2022 iyo ardayda ku hartay imtixaankii hore ee dib isku diiwaangeliyay si ay uga qayb-noqdaan imtixaanka sanadkaan  ku wargelisay  in loo diyaarinayo aqoonsiyadooda si ay ugu fariistaan imtixaanka.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada