Dowladda oo raali-gelin ka dalbatay Madaxweyne Axmed Madoobe  

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Maanta dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay inay Ciidankeeda ay kala baxdo Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya oo kal horey ku daabushay.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay shirkii Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayaa Ciidanka dowladda geeysay Gedo ku tilmaamay inay yihiin Jabhad amar qaatada Saraakiisha Nabadsugida dowladda.

“Marka Puntland doorashada ku qabato labada meel, Hirshabelle, Galmudug iyo Koofur Galbeed ku qabtaan labada meel, Jubbaland hal meel miyay ku qabaneysa, mise dowladda ayaa Gedo xaq u leh inay ka qabato, hala qeexo Jubbaland meesha wax ku qabaneyso, haddii kale qoraal soo saarna waanu la wareegnay dhaha Gedo, idinkoo sababeynaya” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay hadalkii kasoo yeeray Madaxweyne Axmed Madoobe ee uu Jabhadda ugu tilmaamay Ciidankii hal horey la geeyay Gedo.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ka dalbaday  inuu saxo cudur daarna ka bixiyo hadalka ka soo yeeray  ee ahaa in Ciidamada la geeyay Gedo uu ku tilmaamay ciidan jabhadeed.

“Waxaan rabaa inaan ka cudur daarto Madaxweynaha jubbaland axmed madoobe laga yaabe inuu ciidamo jabhadeed ula jeedo, ciidamada qaranka soomaaliyeed, haddii uusan ula jeedin inuu saxo ayaa rabaa, ciidamada soomaaliyeed waa ciidamo qaranka Soomaaliyeed u taagan”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kal horey Gobolka Gedo geeysay Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Booliska, isla markaana dagaal khasaaro geystay la galay Ciidanka Jubbaland, kadibna laga wareegay Balad-xaawo, waxaana haatan Jubbaland ay dooneysay in gacanteeda lagu soo celiyo Gobolkaas.