Waxaa Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ka socda diyaar garowgii ugu dambeeyay ee lagu dooranaya Kuraasta Aqalka sare ee Senetarada kasoo galaya Maamulka Jubbaland.
Waxaa la filayaa in Maanta la doorto Afarta kursi ee Aqalka sare kasoo galaya Jubbaland, waxaana ay billow u noqon doonta doorashada sanadkan oo la rumeysan yahay inay ka duwan tahay kana xamaasad badnaan doonto doorashooyinkii hore ee dalka ka dhacay.
Dhaq-dhaqaaqa doorashada ayaa laga dareemayaa magaalada, waxaana musharaxiinta u tartamaya Kuraasta Aqalka sare ayaa ah kuwo Madaxtooyada Jubbaland wadatay, kuwaasoo aan walwal badan ka qabin Xildhibaannada dowlad goboleedka, waxaana sidoo kale la saadaaliyay Xildhibaanada kusoo bixi doona doorashadaasi manta ka dhici doonta magaalada kismaayo.
Ammaanka guud ayaa si weyn loo adkeeyay, iaydoo gudaha Magaalada iyo goobta lagu qabanayo doorashada lagu arkayo Ciidamo kala duwan oo sugaya Amniga guud ee magaalada Kismaayo, waxaana la filayaa in Saacadaha soo aaddan ay toos u billaabato.
Afarta kursi ayaa ah kuwo si weyn loogu hardami doono,waxaana jira musharxaiin dhowr ah oo loo calaamadeeyay in ay yihiin kuwa kusoo bixi kara doorashadaaasi, iyadoo la aaminsan yahay Musharixiinta kala ah C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Iftin Xasan Baasto oo labaduba horay Senataro u ahaa, C/risaaq Xasan Cusmaan iyo Ilyaas Badal Gaboose ay kusoo bixi doonaan doorashasda Aqalka sare ee maanta ka dhici doonta Kismaayo.