Wararka aan ka helayno Xadka Gobolka Hiiraan uu la wadaago itoobiya ayaa ku warramaya in goordhaweyd halkaasi lagu dilay Qof shacab ah, oo halkaasi maraayay.
Malleyshiyaad hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in ay hataan dil u gaysteen qof Shacab ah oo marayey xadka ay wadagaan Gobolka Hiiraan iyo dalka Itoobiya, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan dilkaaasi.
Wararku waxaa ay intaas ku darayaan in Maleshiyaadka Hubeeysan ee dilka gaystay ay ka soo jeeda Degmada Matabaan ee isla Gobolkaasi Hiiraan, waxaana la sheegayaa in arrintu ay tahay mid salka ku hayso aanooyin Qabiil.
Degaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolkaasi Hiiraan, gaar ahaan degaanno hoostago Degmada Matabaan, ayaa waxaa ka dhacay dilal iyo dagallo dhammaantood salka ku haya aanooyin Qabiil, waxaana tiro dhowr jeer ah la dhex-dhigay heshiis beelaha halkaasi inta badan ku dagaalama, waloow ay mar waliba soo laal laabtan falalkaasi.