Koonfur Galbeed iyo Puntland oo heshiis Cusub ku gaaray Baydhabo

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeybgalay xaflad soo dhoweyn ah oo isaga iyo wafdigiisa loogu sameeyay xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee Magaaladda Baydhabo.

Madaxweyne Deni oo xalay Khudbad ka jeediyay Munaasabada ayaa waxaa uu shaaciyay in Puntland iyo Koonfur Galbeed ku heshiiyeen Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin  horumarinta iskaashiga, dhinacyada Amniga iyo ganacsiga.

Sidoo kale Saciid Deni ayaa waxaa uu tilmaamay in labada maamul ay ku heshiiyeen isdhexgalka Bulsho iyo dowladd dhiska, Iyadoo Puntland wixii aqoon dowladdnimo iyo shuruuc ah ku taageerayso Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyn Madaxweynayha Puntland ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo dhammaan dadka reer Koonfur Galbeed iyo shacaba sida wanaagsan ee isaga iyo wafdigiisa usoo dhoweeyeen.

Si kastaba Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Puntland ayaa horey kulan gaar ah ugu yeeshay Magaalada Muqdisho, kadib markii ay ka qeyb galeen shirkii wadatashiga ahaa ee heshiiska looga gaaray Doorashada dalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media