Dil ka dhacay deegaan ka tirsan G/Galgaduud iyo Xiisad ka taagan

Wararka aan ka heleyno deegaan Duleedka ka ah Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in saakay halkaas lagu dilay Nin shacab ah oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Rag hubeysan oo Maleeshiyaad ah ayaa Ninka ku dilay deegaan lagu magacaab Miiracad oo ku yaalla meel aan sidaas ugu fogeyn deegaanka Qalaanqale oo shalay Dagaal xoogan uu ku dhexmaray laba Maleeshiyo beeleed.

Dilka loo geystay Ninka ayaa la xusay inuu la xiriiro aano qabiil iyo dagaalkii shalay dhacay, waxaaba goobta uu falka ka dhacay ka baxsaday ragii dilka geystay..

Wararka ayaa intaas kusii daraya in deegaanada Miiracad iyo Qalaanqale ay ka taagan tahay xiisad u dhexeeysa laba Maleeshiyo beeleed oo halkaas wada-dega.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhashay dagaalkii ka dhacay Qalaanqale, waxaana ku geeriyooday 5 Ruux, halka dad dhow 15 qofoodna ay ku dhaawacmeen.

Maamulka Galmudug ayaa wada dadaalo lagu joojinayo dagaalka kasoo cusboonaaday deegaanka Qalaanqale ee duleedka Magaalada Dhuusamareeb, waxaana la filayaa in halkaas ay gaaran Ciidamo si loo kala dhex galo Maleeshiyo beeleedka dagaalamaya.