Meydka Ninka Odayga ah ayaa saakay waxaa lagu arkay Xaafada suuqa Xoolaha ee degmada Hurwaa,waxana la sheegay in jirkiisa ay ku yaallaan dhaawacyo tooreey loo adeegsaday.
Goobjoogayaal ayaa Dalsan waxa ay u sheegeen in Ninka Odayga ah oo Da’ahaan lagu qiyaasay 45 Sano jir,dadka suuqa Xoolaha ku nool ay arkeen meydkiisa oo yaalla Wadada dhinaceeda.
Qof ka mid ah dadka degna Xaafada Suuqa xoolaha ayaa waxa uu sheegay in Ninka loo maleynayo inay dileen kooxo burcad ah oo doonayey in mobeylka iyo lacago uu watay inay ka qaateen.
Waxa uu sheegay in uu ahaa Gaanacsade,isla markaana uu ku wajahnaa Suuqa Bakaaraha balse wadada loo galay,dhowr tooreey iyo Maqaro lagu dhuftay.
Falkaan weli wax war ah kama soo saarin laamaha amniga Soomaaliya iyo Maamulka degmada Hurwaa intaba.
Hoos Ka Dhageyso Codka Goobjoogaha.