Falkan ayaa waxaa uu saakay ka dhacay Xaafada Sarkuusta ee degmada Deeyniile Magalada Muqdisho,waxana la sheegay in Nin lagu Magacaabo Calas Geelle salaad uu dilay Xaaskiisa oo u heysay Afar Carruur ah.
In kastoo aan la sheegin sababta uu u dilay balse,waxaa Warar soo baxaya ay sheegayaan in Ninkaan uu horay u ahaa qof xanuunsan balse Qur’aan la saaray ay xaaladiisa aheyd mid wanagsan.
Dad deris la ah Ninka wax dilay ayaa waxa ay Magaca xaaskiisa uu dilay ku sheegeen Hidaayo,isla markaana isla goobta ay ku geeritootay.
Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen inay Gacanta ku dhigeen ninka dilay xaaskiisa,iyada oo meydka Haweeneyda la geeyey Xarunta Dambi baarista ee CID-da.
Qof ku sugnaa Goobta falkaasi uu ka dhacay ayaa sharaxay sida ay wax u dhaceyn,waxana uu sheegay in ninka uu guriga dhexda ka soo xrtay,isla markaana uu haweeneyda jarjaray.
Hooska Dhageyso Codka Goobjoogaha.