DFS oo shaacisay Maraakiib si sharci darro ah uga Kalluumaysta Xeebaha Somalia

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa looga hadlay Maraakiib si sharci darro ah uga kallumaysta xeebaha Soomaaliya,waxaana wasaaradda Kalluumaysigu sheegtay in aan la aqbal doonin.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda Kalluumaysiga iyo kheyraaska Badda ayaa lagu cadeeyay mudadii u dhaxeysay January 2019-14-04-2020 in  la ogaaday 112 markab oo kaluumeysanaya weliba si sharci darro ahiyada oo wasaaraddu sheegtay in uu ka babanayay calanka dowladda Iiraan isla markaana ay muddo dheer Badda Somalia ay ka wadaan jilaabasho sharci darro ah.

Wasaaradda Kalluumaysiga ayaa shegtay in aysan aheyn wax la aqbali karo Kalluumaysigaa isla markaana ay ka qaadayso Maraakiibtaan tallaabo sharciga ah sida ay hadlaka u dhigtay.

Dowladda fedraalka ah ee Soomaaliya ayaa horay digniino culus waxa ay ugu jeedisay Maraakiib Kalluumayso shaci darro ah ka wadday Xeebaha Soomaaliya waxaana ay sheegtay in haatan isha lagu hayo kuwa hor leh sharcigana lala tiigsan doono.

Halkaan Ka Akhriso Qoraalka