Labadii kiis ee ugu horreeyay ee Cudurka halista ee Coronavirus Corona Virus ah ayaa laga helay Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish oo ah Guddoomiyaha guddiga ka hortaga Caabuqa Corona Virus ee Jubbaland ayaa Telefishinka ku hadla Afka maamulkaas u sheegay in labo ruux oo laga helay COVID-19 hadda lagu karantiilay Isbitaalka Magaalada Kismaayo halkaasna lagula tacaalaayo.
Labadaan ruux ayaa noqonaaya kuwii ugu horreeyay ee la xaqiijiyay in ay qabaan xanuunka COVID-19 ee ku sugan meel kamid Jubbaland.
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Caawa shaacisay in tirada dadka helay Cudurka COVID-19 ee Soomaaliya gaartay 60 Ruux.