Dagaalamayaal weeraray Xabsi, oo la wada dilay

Ku-dhawaad 40 Dagaalame oo ka tirsan Kooxda Daalibaan ayaa lagu dilay weerar ay ku qaadeen Xabsi ku yaalla magaalladda Lashkar Gah ee K/Galbeed ee dalkaasi.

Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Afganistan, Fawad Amaan ayaa sheegay inay Ciiddanka Dowladda ay dileen 38 Dgaalame, halka ay 2 kalena dhaawacmeen, kadib, markii ay ku fashilmeen Isku-daygaasi.

Afhayeenka waxa kale oo uu sheegay inay Boqolaal ka tirsan Ciiddanka Komaandooska u dabuleen magaalladda Lashkar Gah, si ay u badbaadiyaan Dadka Rayidka ee ku nool Deegaankaasi.