Dagaal xoogan oo dhexmaray Ciidamo ka tirsan Jubbaland iyo Al-shabaab

Dagaal u dheexeyay Ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta Maamulka Jubbaland iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa waxaa uu saqdii dhexe ee xalay ka dhacay deegaanka Jasiirada Kudhaa ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in dagaalkan uu ka dambeeyay, kadib markii xubno ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Sadhig Ciidanka Jubbaland ay ku leeyihiin degaanka Kudhaa, wallow markii dambe la sheegay inuu iskiis u istaagay dagaalka.

Al-shabaab oo ka hadashay dagaalkii ay la galeen ciidanka Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalkaas ay kula wareegeen Saldhiga Ciidamada ee ku yaalla halka loo yaqaano Afriik ee degaanka Kudhaa.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka iyo weerarkii ka horeeyay, hayeeshee dadka degaanka ayaa soo weriyey oo kaliya inay maqlayeen dhawaqa rasaasta labada dhinac ay isku adeegsanayeen dagaalka inta uu socday.

Al-shabaab ayaa marar kala duwan sidaan oo kale waxaa ay weeraro dhaliyey khasaaro kala duwan ugu qaadeen Saldhigyo ciidanka Maamulka Jubbaland iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku leeyihiin degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.