Ciidanka Xoogga oo Maanta howlgal ka dhan ah Al-shabaab bilaabay

Ciidamada Xoogga dalka Guutada 15-aad ee Qeybta 21-aad ayaa saakay howlgal ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab ka bilaabay deegaano hoostega Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Ciidamada Xoogga ayaa howlgalka sigaar ah uga bilaabay inta u dhexeeysa deegaanada Ceeldheere iyo labi-dule oo dhowr jeer Al-shabaab ay ku aasee Qaraxyo miinooyin nooca dhulka la geliyo ah oo qaarkood lala eegtay Ciidanka dowladda.

Taliyaha Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad, Gen: Mascuud Maxamed Warsame ayaa Ciidamadan ku booqdey furumaha hore e dagaalka, isagoo kula dardaarmey in ay sii laba jibaaraan Howlgalada.

Sidoo kale Taliye Mascuud Maxamed Warsame ayaa sheegay in ujeedka howlgalka la bibaabay uu yahay mid lagu doonayo in lagu xaqiijiyo amniga laamiga dheer ee xiriiriya Magaalada Dhuusamareeb iyo deegaanka Ceeldheere.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer qaraxyo miinooyin ah gaadiid ay la socdeen Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug kula eegtay duleedka Dhuusamareeb, sidoo kalena halkaas Shabaab ay weeraro madaafiic ah uga qaadeen Caasimadda Galmudug.