Ciidanka Nabadsugidda oo soo bandhigay Xubno ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab

Ciidanka Nabadsugidda Qaranka ee ka howlgalla Gobolka Shabeelaha Dhexe, gaar ahaan magaalo Madaxda Gobolka ee Jowhar ayaa soo bandhigay Seddex dagaalame oo lasheegay in Al-Shabaab ay ka tirsanaayeen, kuwaasi oo isku soo dhiibay Ciidanka Dowladda.

Sedaxda dagaalame ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Cali Cabdullaahi, Cabdullaahi Xasan Maxamed iyo Axmed Cabdullaahi Maxamed oo ka tirsan Al-Shabaab.

Taliyaha Nabad sugidda Degmada Jowhar Cali Xasan Maxamuud (Cali Dheere) ayaa ugu baaqay dhallinyarada ka barbar dagaalama Al-Shabaab inay soo raacaan dhabaha ay mareen saaxiibadooda, ayna isku soo dhiibaan dowladda.

Horay tiro dhowr jeer ah Ciidanka Dowladda ee sugan Gobolada Dalka ayaa soo bandhigay Shaqsiayad ay sheegeen in ay kasoo goosteen AL-Shabaab, isla markaana ay isku soo dhiibeen Ciidanka Dowladda.