Ciidanka amniga oo Caawa Muqdisho ku toogtay Rag Dil geystay

Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxaa Nin la sheegay inuu shacab ahaa ay ku dileen Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal ah oo la hadlay Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in Dilka loo geystay Ninka uu sigaar ah uga dhacay Xaafadda Kaawa Godey ee dharkeenley, isagoo qeybaha sare ee Jirka looga dhuftay rasaas dhowr ah.

Intaas kadib ragii dilka geystay oo laba ruux ahaa ayaa isku dayay inay goobta si deg deg ah uga baxsadaan, hayeeshee Ciidanka amniga ayaa toogasho ku dilay.

Goobta lagu dilay raggii hubeysnaa ee falka fuliyay ayaa waxaa tegay Guddoomiyaha Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Maxamed Cali iyo Saraakiil Ciidan.

Guddoomiye C/raxmaan Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ragga la toogtay ay marka hore dileen Nin Ganacsade ahaa oo lagu magacaabi jiray Aboorey.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa u mahadceliyay Ciidanka amniga ee fuliyay howlgalka lagu dilay ragii hubeysnaa, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga dowladda.