Ciidamadda Daraawiishta Galmudug oo la wareegay degaan muhiim ah

Ciidamadda Daraawiishta dowlad goboleedka Galmudug oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa maantay la wareegay Saldhiggii ugu weyna ee Al-shabaab ay ku lahaayeen aagga deegaanka Caad ee Koonfurta Gobolka Mudug, isla markaana ay ka soo abaabuli jireen qaraxyada, sida ay sheegen Saraakiisha Ciidanka hoggaaminaysa.

Ciidamadda la wareegay goobahaan ayaa waxaa hogaaminayay Taliyaha Ciidanka ururka Horseed Gaashaanle Maxamed Cali Salaad iyo Saraakiil kale, waxaana dagaal kooban oo halkaas ku dhex maray Ciidamada Daraawiishta iyo Al-shabaab ka dhashay Khasaare kala duwan, iyadoo ilaa iyo hadda aan la xaqiijin tirada Rasmiga ah ee labada dhinac kaga dhimatay dagaalkaasi.

Saraakiisha Ciidanka waxaa ay intaas ku dareen in ay dhammaan la burburiyay Saldhigyadii halkaas ay ku lahaayeen dagaalaamayasha Al-shabaab.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in uusan jirin khasaaro soo gaaray dhankooda, inkastoo aysan jirin Cid ka madax bannaan labada dhinac oo xaqiijisay khasaaraha rasmiga ah.