Ciidamada Galmudug oo xalay fuliyey howlgal tirro Dad ah lagu soo qab-qabtay

Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabadsugida Maamulka Galmudug ayaa habeenadii xalay aheyd waxaa ay howlgalo saacado socday ka sameeyeen inta badan xaafaddaha Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhanka Galmudug.

Howlgalka Ciidamada ayaa inta uu socday waxaa lagu soo qab-qabtay tirro dad ah oo looga shakiyey falal amni darro iyo isticmaalka Maandooriyaha, kuwaasi oo ay xireen laamaha amniga, isla markaana ku wada baaritaano.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka oo uu kamid ahaa Duqa Gaalkacyo ee Galmudug Cabdiraxmaan Sheekh Xasan ayaa sheegay in howlgalka ujeedkiisa uu ahaa mid lagula dagaalamayo kooxaha caadaystay in ay qalqal geliyaan amniga Magaalada, sida kooxaha maandooriyaha ka Ganacsada iyo kuwa Isticmaala intaba.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Sheekh oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in aan cidna loogu dulqaadan doonin inay qash-qashaado amniga iyo xasiloonida Gaalkacyo, isagoo sheegay in Howlgalkaan uu si joogto ah u socon doono.

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhanka Galmudug ayaa waxaa marar kala duwan sidaan oo kale looga sameeyay howlgal lagu xaqiijinayey amniga, waxaana lagu qaban doonaa doorashada Golaha Shacabka ee Galmudug.