Iyadoo maanta magaalladda Beled-weyne lagu caleemo saaray Ugaaska Beesha Xawaadle, Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ayaa waxaa haddana jira Hoggaamiye Dhaqameedyo badan oo sheegay inay qaadaceen Munaasabadaasi.
Ugaas C/llaahi Ugaas Saalax Ugaas Cali oo ka mid ah Duubabka Dhaqanka ee Beelaha Mudulood ayaa faahfaahin ka bixiyey sababaha ay u qaadaceen Munaasabadaasi oo horey loogu casuumay.
Ugaas C/llaahi Ugaas Saalax Ugaas Cali oo la hadlay Radio Dalsan ayaa xaqiijiyey inay Duubab badan qaadaceen Caleema-saarka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble, wuxuuna tilmaamay inay Ugaaska Beesha Xawaadle horey kala kulmeen Xushmad la’aan, waa sida uu hadalka u yiri.
Waxa uu intaasi ku daray in Duubab Dhaqameedyo horey u tegay magaalladda Beled-weyne kala kulmeen Ugaas Xasan Ugaas Khaliif arrin Karaamo-darro ah, isla markaana aan wax raalli-gelin ah ilaa haatan laga siinin xadgudubkaasi.
Dhinaca kale, Ugaas C/llaahi Ugaas Saalax Ugaas Cali oo ka mid ah Duubabka Dhaqanka ee Beelaha Mudulood waxa uu tilmaamay inay Duubabka Dhaqanka ee Beelaha Mudulood, Gaaljecel, Baada-cadde, Jiidle, Shiikhaal iyo Dagoodi aysan ka waada qeyb gelin Munaasabadda maanta lagu caleemo saaray Ugaaska Beesha Xawaadle, Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble.
©Radio Dalsan