Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ka hadlay Arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya oo la filayo inay dalka ka dhacaan dhammaad ka sanadkaan 2020/2021.
C/raxmaan C/Shakuur oo la hadlay mid kamid ah Telefashinada ku hadla Afka Soomaaliga ayaa waxaa uu sheegay in Magaalada Muqdisho aysan ka dhaceyn Doorasho lagau wada qanacsaneyn marka la gaaro xiligii loogu tala-galay Doorashada.
Waxaa uu sheegay C/raxmaan in qofkii doonaya inuu Xildhibaan noqdo la geenayo Xarunta Taliska hay’adda Nabadsugida si loo soo hubiyo daanacsanimadiisa iyo lacag laga lagu rabo in lagu soo saaro Xildhibaanada oo taalla Xaruntaas, taas oo uu tilmaamay in laga keenay dalka Qatar.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu siyaasiga ugu baaqay inuu kalsooni is geliyo, isla markaana uu tartan la galo Musharaxiinta kala duwan ee dooneysa xilka Madaxtinimada dalka Soomaaliya.
“Doorasho aanaan ku qanacsanayn dalka kama dhacayso, siyaasiyiin baa nahay, deegaanka ayaan ka soo jeednaa, dalkana in aan xukunno ayaan rabnaa, ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishkuur Warsame.
Si kastaba hadalka hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo walaac farabadan iyo diidmo lagala horyimid Guddiyada Doorashooyinka heer Federaal iyo hee maamul Goboleed, isla markaana lagu tilmaamay in Guddiyadaas ay ku jiraan xubno ka tirsan Hay’adda nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.