Booliska oo faah faahiyey khasaaraha Qaraxii ka dhacay meel ku dhow Madaxtooyada

Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay Qarax xoogan oo barqadii Maanta ka dhacay Barta koontarool ee laga ilaaliyo Xarunta Madaxtooyada ee Isgoyska Importooriyo Ceel-gaab ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Cabdifitaax Aadan Xasan oo Goordhow shir Jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in qaraxa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu fuliyay qof Is-miidaamiye oo waday gaariga oo ku qarxay gaadiid farabadan oo taagnaa Barta lagu hubiyo gaadiidka aada Madaxtooyada.

Waxaa uu sheegay Afhayeen Cabdifitaax Aadan in qaraxa uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad isugu jiray  Askar iyo shacab ah oo ku sugnaa goobta, xiligii uu qaraxu dhacayaay, sidoo kalena ay burbureen gaadiid dhowr ah.

Afhayeeenka Booliska ayaa xaqiijiyay inay qaraxa ku geeriyoodeen 8 ruux oo ku jiray hal Askari iyo hooyo wadatay laba Carruur oo saddex sanno jir iyo Afar jir kala ahaa oo saarnaa gaari wadada marayay, halka 9 qof kalena ay dhaawacyo soo gaareen.

Isaga oo sii hadlaayay Afhayeen Cabdifitaax Aadan Xasan ayuu tilmaamay in dadka waxyeelada soo gaartay ay u badnaayeen dad shacab ah, wuxuuna sheegay in marnaba aysan niyad jebin doonin weerarada iyo qaraxyada ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Sawirro la soo qaaday ayaa muujiyay burbur gaaray gaadiidkii taagnaa Barta Koontarool iyo Mooto Bajaajyo mararay wadada Isgoyska Ceeb-gaabta, iyadoona dab xoogan uu qabsaday gaari nooca raaxada ah, hayeeshee gaadiidka dab demiska ay damiyeen dabka.

Si kastaba Qaraxaan ka dhacay Isgoyska Ceel-gaabta ee Muqdisho ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo shalay qarax Is-miidaamin ah uu ka dhacay inta u dhexeeysa Isbitaalka Madiina iyo Xarunta Villa Hargeysa, waxaana mas’uuliyadiisa sheegtay Al-shabaab.