Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed oo ansixiyay Miisaaniyadda 2020

Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kulan aan caadi aheyn ku yeeshay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxaa uu ahaa ansixinta Miisaaniyadda snadkan 2020 ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Kulankan oo ahaa midkii koowaad fadhigiisa 7-aad ee Golaha ayaa waxaa Shir Guddoomiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka KGS Cali Saciid Fiqi iyo labadiisa ku-xigeenka, waxaana lagu ansixiyay Miisaaniyadda maamulkaas.

Fadhiga kulanka ayaa waxaa soo xaadiray 84 Xildhibaan 81 Mudane ayaa ogolaatay ansixinta Miisaaniyadda, hal Xildhibaan ayaa diiday mid kalena wuu ka aamusay, waxaana sidaas lagu ansixiyay Miisaaniyadda 2020 ee Dowlada Koonfur Galbeed oo dhan  $17,145,994 (Todobo iyo Toban Million, boqol afartan iyo shan kun, sagaal boqol sagaashan iyo afar doolar).