Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo shalay soo gaaray Caasimadda dalka ayaa kulan la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed, khilaafka ka taagan qabsoomida doorashooyinka dhacaya iyo Shirka Madaxda ee lagu wado inuu ka furmo Magaalada Muqdisho.
Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in labada dhinac ay sigaar ah diirada ugu saareen kulankooda sidii xal looga gaari lahaa khilaafka adeg ee xiligaan ka jira doorashada iyo shuruudaha Jubbaland ku xirtay ka qeyb galka shirka.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Muqdisho u yimid ka qeyb galka shirka Madaxda dowladda Federaalka, kuwa maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee todobaadkan ka dhacaya Teendhada Afisyooni.
Shir uu ku baaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saddex jeer baaqay, kadib markii maamulada Jubbaland iyo Puntland ay ku xireen shuruudo adeg ka qeyb galka shirkaas.
Beesha Caalamka ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii Madaxda dowladda Federaalka SOomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada ay heshiis rasmi ah uga gaari lahaayeen khilaafka hareeyay qabsoomida doorashooyinka dalka ka dhacaya.