Axmed Madoobe iyo Taliye Odawaa oo ka shiray bilaabida howlgal ka dhan Al-shabaab

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage iyo wafdi Saraakiil ah oo uu hoggaaminayay ayaa gelinkii dambe shalay oo jimco aheyd gaaray Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland.

Garoonka diyaaradaha Kismaayo ayaa waxaa Taliye Odawaa iyo wafdigiisa kusoo dhaweeyay Wasiirka amniga Jubbaland Gen Yusuf Cusman Dhumaal, Saraakiil Ciidanka Xoogga iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa xalay kulan la qaatay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage, waxaana kulankaas ka qeyb galay Saraakiil ka tirsan Jubbaland.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga deegaanada Jubbaland iyo howlgalada Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ay ka wadaan deegaanada Maamulkaas.

Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Taliye Odawaa ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii deegaanada dowlad Goboleedka Jubbaland looga bilaabi lahaa howlgal ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab, ayna howlgalkaas iska kaashadaan Ciidanka Xoogga iyo kuwa Daraawiishta Maamulka.

Madaxweynaha ayaa Ciidamada Jubbaland qeybahooda kala duwan kula dardarmay inay sii laba jibaaran howlgalada lagu xaqiijinayo amniga Magaalada Kismaayo oo ay ka dhaceyso doorashada Golaha Shacabka iyo tan lagu dhameystirayo kuraasta Aqalka Sare.