Dagaal u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Bangaraafta loo yaqana ee lagu tababaray Saldhigga Balidoogle iyo Al-shabaab ayaa waxaa uu saacadihii lasoo dhaafay uu ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose.
Dagaalkaas ayaa waxaa uu ka dhacay duleedka deegaanka Mubaarak ee hoostega degmada Awdheegle, waxaana uu ka dambeeyay, kadib markii Ciidanka dowladda ay weerar ku qaadeen Saldhig Al-shabaab ay ku leeyihiin halkaas.
Dagaalka oo socday muddo ka badan saacad ayaa waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, isla markaana waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.
War qoraal ah oo lagu daabacay baraha dhinaca Internet-ka Al-shabaa ayaa waxaa ay ku sheegeen inay fashiliyeen weerarkii uga yimid dhinaca Ciidanka dowladda, waa sida hadalka ay u dhigeen.
Sidoo kale Qoraalka Shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen in dagaalkii dhacay ay Ciidanka dowladda uga dileen 3 askari, halka 4 kalena ay dhaawacyo soo gaareen, isla markaana Ciidamada dowladda ay dagaalkaas uga qabsadeen gaari Cabdi Bile ah oo uu ku xirnaa qori kamid ah hubka culus.
Ilaa iyo hada ma jio wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay uga hadlayaan weerarkii ka dhacay duleedka deegaanka Mubaarak ee la sheegay in lagu dilay Askar ka tirsan Ciidanka, loogana qabsaday gaari.