Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta waxa ay kulan ku leeyihiin Xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho kaas oo ay ku soo afjaraan xiisadii u dhaxeysay iyaga iyo Wasiirka Dastuur Soomaaliya c/raxmaan Xoosh Jibriil.
Maalintii Arbacada aheyd ee la soo dhaafay ayuu qorshuhu ahaa in ay Xildhibaanadu Go’aan ka gaaraan arinta ku aadan dib u eegis lagu sameeyo xilheynta Wasiirka balse kooram la’aan u qabsami waayay kulanka Baarlamaanka.
Maanta oo Sabti ah ayaa loo balan san yahay in Xildhibaanadu ay Cod u qaadaan xilheynta Wasiirka waxaana Maalmihii la soo dhaafay Magaalada Muqdisho ka socday kulamo Gooni Gooni ah,si xal looga gaaro xiisada u dhaxeysa Wasiir Xoosh iyo Xildhibaanada.
Xiisada ayaa cirka isku sii shareertay kadib markii Wasiirka uu dhowr mar Bartiisa twetter-ka uu ku soo qoray Erayo xanaf ah.