Wiilkaasi oo lagu magacaabo Xanibal Mucamar Alqadaafi ayaa la sheegay inay afduubteen kooxo hubeysan oo codsanayo inuu warbixin ka keeno Iimaam Shiico oo lagu magacaabo Iimaam Muusa Alsadar, kaasi oo sannadkii 1978-kii lagu qabtay caasimadda dalka Libya ee Tripoli..
Xanibal Qadaafi ayaa ka soo muuqday Telefishinka Aljadiid, wuxuuna ku baaqay ciddii warbixin ka haysta Iimaam Muusa Alsadar inay u soo gudbiyaan.
Xanibal Qadaafi waxaa muuqaalkiisa ka muuqday inay Dableyda ka garaacday Wejigiisa o oay ka muuqdeen dhaawacyo madow, balse waxa uu sheegay inuu aad u caafimaad qabo, isla markaana faraxsan yahay.
Wakaalladda Wararka ee AP ayaa goor sheegtay in kooxihii haystay Xanibal ku sii daayeen Degmadda Baacal-bekh, wuxuuna ku laabtay caasimadda dalkaasi ee Beyruut.
Xanibal Qadaafi waxa u dhaxda Haweeney u dhalatay dalka Lubnaan.
© Radio Dalsan