Weerar Duqeyn ku bilaawday oo lagu qaaday deegaanka Toora tooroow

Weerarkaan oo ahaa mid isugu jiray Cir iyo dhul ayaa waxaa xalay qaaday Ciidamada dowladda Soomaaliya oo sida Gaarka ah u tababaran iyo kuwo caawinayay oo Mareykan ah,waxana lagu qaaday deegaanka toora tooroow ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Deeganada la weeraray ayaa waxaa ku sugnaa dagaalyahno ka tirsan Al-Shabaab,waxana lagu soo waramayaa in weerarka cirk ah kadib uu dagaal dhinaca dhulka ah uu labada dhinac ku dhexmaray duledka deegaanka toor tooroow.

Ilaa iyo had macada khasaaraha rasmig ah ee ka dhashay dagaalkaas welina dowladda Soomaliya ma faah fahin,waxana xusid mudan in dhowr jeer sidan oo kale weerar loogu qaaday fariisinka Al-Shabaab ee Toora tooroow.

Dhanka kale Al-Shabaab dhankooda weli kama hadlin weerarkay ay Ciidamada Mareykanka ah iyo kuwa Soomaalida ah ay ku qaadeen kaas oo ku yaala deegaanka toora tooroow  iyo khasaaraha uu geestay