Waxqabad Wadajir ah: Dowladda Federaalka Soomaaliya, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo deeqbixiyeyaasha caalamka ayaa daahfurey Barnaamijyo cusub oo si wadajir ah uga qeyb qaadanayaan dhamaan xubnahaas iyadoo loo marayo Hanaanka Horumarinta iyo Dib u dhiska Soomaaliya
Dowladda Federaalka Soomaaliya, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo deeqbixiyeyaasha ayaa soo dhoweeyay saxiixa lixda Barnaamij ee wadajirka ah iyada oo loo marayo Hanaanka Horumarinta iyo Dibudhiska Soomaaliya (SDRF) kaas oo qeyb ka ah Heshiiska Hiigsiga Cusub (New Deal Compact).