“Waxaan soo gaabinayaa booqashadeyda Ethiopia si aan uga qeyb galo baroor diiqda iyo aaska Qaran ee wasiir Cabbaas”

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Famraajo, ayaa sheegay in uu soo gaba-gabeynayo booqasho uu ku joogo dalka Itoobiya, si uu uga qeyb-gallo aaska wasiirka caawa lagu dilay magaalladda Muqdishu.

“Waxaan soo gaabinayaa booqashadeyda Ethiopia si aan uga qeyb galo baroor diiqda iyo aaska Qaran ee wasiir Cabbaas”, ayuu yiri Farmaajo.

Madaxda Qaranka ayaa tacsi tiiraanyo leh u direy qoyskii iyo shacabka Soomaaliyeed geeridii naxdinta laheyd ee Wasiirkii Howlaha Guud Marxuum Cabaas Siraaji oo caawa fiidkii xabad gaarigiisa lagu furay darteed u geeriyooday.

Wasiir Cabaas Siraaji waxuu ahaa xidig soo baxaya oo iftiimaya lahaana mustaqbal ifaya. Marxuum Cabaas waxuu tusaale fiican u ahaa dhalinyarada Soomaaliyeed, madaxda Qarankana aad bey ugu hanweynaayeen.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Eng. Yarisow ayaa yiri “Wasiir Cabaas Siraaji waxuu ahaa shaqsi dhalinyaro ah oo si aad ah uga dhexmuuqday golaha wasiirada. Waxuu ahaa shaqsi leh mustaqbal wanaagsan. Waxuu ka mid ahaa dhalinyaradii xerada Qaxootiga Dhadhaab ku soo koray oo wax ku soo bartay, ka dibna dalkiisa hooyo dib ugu soo laabtay si uu waddanka wax ugu qabto.”