Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya oo Maanta ku wajahan Garoowe

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid juxaa oo maalin kahor soo gaarey magaalada Galkacyo ee xarunta Mudug ayaa lafilayaa in maanta uu tago  magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Socdaalka wasiirka oo ah kii ugu horeeyey ee uu ku tago Garoowe ayaa salka kuhaya arrimaha federaalisimka Soomaaliya iyo nabadaynta gobolka Mudug oo uu kala hadlay maamulka Galmudug iyo madaxda  Puntland.

Qaban qaabadii u dambeysay ee sidii loo soo dahweyn lahaa Wasiirka ayaa haatan ka socota Magaalada Garoowe,waxaana si aad ah loo adkeeyay amaanka Magaaalda Garoowe.

Inta uu ku sugan yahay Garoowe ayaa waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda maa mulka Puntland isaga oo kala hadli doona xoojinta iyo adkeynta heshiiskii ay Magaalada Gaalkacyo ku wada gaareen Puntland iyo Galmudug