Ugu yaraan 60 qof oo ku geriyootay Is-qarxin ka dhacday Yemen.

Gaari miineysan ayaa saakayto lagu qarxiyey Xero lagu tababaro Ciiddanka oo ku taalla magaalladda Labaad ee ugu weyn dalkaasi ee Cadan.

Sarkaal ka tirsan Ciiddanka Ammaanka ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka AFP in nin watay gaari miineysan uu isku qarxiyey Dhallinyaro loo qorayey  Ciiddanka Cusub ee dalkaasi.

Qaraxaasi waxaa kaloo ku dhaawacantay 29 kale.

Tifaftiraha Wargeyska Yemen Post, Xakiim Almasmari ayaa u sheegay Telefishinka Aljazeera inuu falkaasi ahaa Xasuuq, lagana yaabo inay sii korodho tirada dadka ku geeriyooday Isqarxinta maanta ka dhcday magaalladda Cadan.

Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda Qaraxaasi.

SUCIDE IN YEMEN

YEMEN

©Radio Dalsan