Turkiga oo cambaareeyey Weeraradii Is-qarxinta ee shalay ka dhacay Muqdisho.

Hadal qoral oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Turkiga ayaa lagu sheegay inay cambaaraynayaan Weerarkaasi oo lala beegsaday Taliyaha Cusub ee Ciiddanka X.D.S, Jeneral Maxamed Axmed Jimcaale “Cirfiid” oo ka badbaaday Is-qarxintaasi.

“Waxaan aad uga murugoonay Weerarkaasi lala beegsaday  Kolonyo ay la socdeen Saraakiil Millteri, kuwaasi oo marayey meel ku dhow Dhismaha Wasaaradda Difaaca, oo ay ku geeriyoodeen dad badan oo Rayid ahaa” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Turkiga.

Waxay u tacsideeyeen Qoyasaka dadkii ku geeriyooday Weerarkii shalay, waxayna kuwii ku dhawacmay dhacdadaasi u rajeeyeen inay ka soo bogsadaan dhaawacyaddii soo gaaray.

Alshabaab ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen mas’uuliyadda Is-qarxintaasi oo ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 15 qof oo ay ku jiray Askar iyo dad rayid ahaa.

©Radio Dalsan