Taliyaha Booliska gobolka Banaadir oo iscasilay

Taliyaha qeybta Booliska gobolka Banaadir general Cali Xersi Bare ( Gaab) ayaa si rasmi ah u shaaciyay inuu xilkasi isaga casilay balse uu la sii shaqeyn doono booliska Soomaaliya.

Cali Gaab ma uusan sheegin sababta rasmi ah ee uu xilka isaga casilay balse waxa uu warbaahinta u sheegay in uu isaga go’aansaday inuu xilkasi isaga dego.

Warbaahinta qaar ayuu ku dhaliilay iney baahiyay warar aan sax ahayn oo ku aadana in shaqada laga ceyriyay taliyaha.

Cali Gaab ayaa hore u ahaan jiray taliyihii ciidamada Taraafikada ee gobolka Banaadir ka hor inta uusan noqon taliyaha qeybta booliska gobolka.