Wasiirka arrimaha dibadda ee jamhuuriyadda iskeed isugu magacawday Somaliland, Sacad Cali Shire, ayaa meel adag iska taagay heshiiskii Muqdisho ku dhex maray Sabtidii Soomaaliya iyo Itoobiya.
Isagoo u warramayey BBC ayaa wuxuu sheegay in heshiiskaas aysan jirin wax haba yaraatee iyaga ka khuseeya.
Mar wax laga weydiiyey arrin ay labada dal ku heshiiyeen oo ah ilaalinta midnimada Soomaaliya iyo maalgashiga afar dekedood oo Soomaaliya ku yaalla ayuu yiri Sacad C Shire “midnimada laga hadlayo malaha waa tan Soomaliya ee annagu mid aannu ku jirno ma aha. Wixii ay halkaa kaga hadleen, deked ama arrin kale, Somaliland kuma jirto”.
Wuxuu kaloo sheegay in arrinta dekedda Berbera aysan ahayn ‘mid Farmaajo khusaysa.
Mar wax laga weydiiyey in ay doonayaan in Itoobiya ay weydiistaan inay caddayn ka bixiso heshiiska ayuu ku jawaabay Sacad “waannu arki doonnaa haddii Itoobiya ay wax beddesho heshiiskii aannu galnay, laakin heshiiska Soomaaliya ay wada galeen ma aha mid wax ka beddelaya heshiiskii naga dhaxeeyey”.
Hadalka wasiirka ayaa waxaa ka muuqda taxadar weyn, maadaama Somaliland iyo Itoobiya uu ka dhaxeeyo cilaaqaad wanaagsan.