Somalia oo kaalinta Koowaad kaga jirta Dalalka weli looga dhaqmo Gudniinka FGM.

129 million haween oo ku nool Caalamka ayaa waxaa dhaawacyo ku reebay Gudniinka Fircooniga ee FGM, sida lagu caddeeyey Warbixin ay Hay’adda UNICEF soo saartay.

Warbixinta waxaa lagu xusay in 29 dal si caadi ah looga isticmaalo Habkaasi, waxayna tobanka Waddan ee ugu horreeya Dhaqankaasi Gurracan  ee FGM-ka ayaa kala ah:

  • Somalia 98%
  • Gini 97%
  • Jabuuti 93%
  • Masar 91%
  • Sierra Leone 90%
  • Mali 89%
  • Sudan 88%
  • Eritrea 83%
  • Burkino Faaso 76%
  • Ethiopia 74%

Dhinaca kale, Jaalliyadaha Soomaalida ee dibeddaha ku nool waxay qaarkood weli ku dhaqmaan Gudniinkaasi, gaar ahaan  Soomaalida ku nool Maraykanka iyo Europe oo iyagu intooda badan gabdhahooda u soo kaxeeya Somalia iyo Kenya si loogu sameeyo gudniinka FMG.

Xaafadda Islii ee magaalladda Nairobi ayaana ah goobta ugu mashquulsan ee lagu fuliyo FMG-ka, waxaana  gabadhiiba laga bixiyaa kharaj dhan 300-Dollar.

FGM

© Radio Dalsan