Muqdisho, January 21, 2016——-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carteh, waxaana kulankan looga hadlay qodobo kala duwan oo ay ka mid aheyd weerarkii kooxaha argagixisadu ku qaadeen degaanka Ceel-cadde oo ka tirsan gobolka Gedo, halkaasoo fariisin u aheyd ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Nabad illaalinta ee AMISOM. Golaha Wasiirada ayaa ugu horeyntii warbixin ka dhegeystay Wasiirada Amniga oo faah faahino ka siisay weerarkii kooxaha argagixisadu la beegsadeen goob fariisin u aheyd ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka nabad illaalinta ee AMISOM, halkaasoo ay waxyeelo dhimasho iyo dhaawacba leh ka soo gaartay. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa tacsi u diray dowladda iyo shacabka Kenya, isaga oo uga tacsiyadeeyey dhimashada Askarta, waxa uuna ku ammaanay dowladda Kenya garab istaageeda. Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda Maxamed Aadan Fargeeti ayaa xusay in Bankiga dhexe uu bilaabay bixinta mushaaraadka shaqaalaha rayidka ee dowladda, lana bixinayo labo bilood. Dhanka kale, golaha Wasiirada ayaa kulan isbarasho ah la yeeshay Wakiilka Q/midoobay u qaabilsan Soomaaliya Amb. Michael Keating, isaga oo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu soo booqdo xarunta golaha fulinta dowladda, xurmo weyna u hayo shaqada culus ee ay ummadda u hayaan. Ugu dambeyntiina, Golaha Wasiirada ayaa ugu hambalyeeyey ummadda Soomaaliyeed munaasabadda sanad guurada maalinta qorista Far-Soomaaliga, waxayna ku booriyeen shacabka in qof kasta oo Soomaali ah uu ku dadaalo horumarinta iyo ku hadalka luqadooda hooyo. Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka |
Trending
- Dhageyso:- Barnamijka Wareegga Wararka 24-Ka Saac Ee Radio Dalsan 9/8/2022
- Xasan Sheekh oo booqday Warshadaha soo saara qalabka Ciidamada Milateriga Uganda
- Dhageyso:- Warka Habeen Ee Radio Dalsan 9/8/2022
- Xildhibaan Odawaa oo iska diiday Xubinimada Guddi uu Magacaabay Guddoomiye Aadan Madoobe
- Lafta-gareen iyo Mustafe Cagjar oo ka wada hadlay qodobbo uu ka mid yahay Amniga Xuduudka
- Al-Shabaab oo u hanjabay dadka ka qayb qaadanaya doorashada dalka Kenya
- Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Guddi u Magacaabay arrin ka dhalatay Ansixintii Golaha Wasiirada
- RW Xamse Barre oo Xilalka u kala wareejiyay Ku-xigeenkiisa Cusub iyo RW ku-xigeenkii hore
- Dhageyso:-Warka Duhurnimo Ee Radio Dalsan 9/8/2022
- Abaaraha ka jira Soomaaliya oo maraya Heerkii ugu Adkaa