Sawirro:-Saraakiil ka socota dowladda Britain oo Hawlgal Nabad-ilaalin ah ka wada Somalia

Ra’isul-wasaarihii hore ee UK, David Cameron waxa uu horey u shaaciyey inay Somalia u soo dirayaan ilaa 70 Askari, si ay taageero uga geystaan La-dagaalanka Alshabaab.

Ciiddankaasi oo loo soo daad-gureeyey Somalia ayaa ah Ciiddankii ugu horreeyey ee ka socda dalka UK oo si rasmi ah ugu biiray Ciiddanka Caalamiga ee ay QM taageerto ee AMISOM, kuwaasi oo muddo dheer waday Hawlgal ay ku doonayeen inay u itaal sheegtaan Dagaalamayaasha Alshabaab.

Shabakadda Wararka ee ka faalloota Arrimaha Milliteriga ee forces.net ayaa qortay inay Dowladda UK sannadkiiba ku taageeraan Hawlgalka AMISOM ku-dhawaad 323 million oo Giniga Istarliinka (£323 million Pound).

Kharajkaasi ayaa ;a sheegay in Hawl badan looga qabtay gudaha Somalia.

Xubno tiro yar oo ka socda Ciiddanka UK ayaana ku lug lahaa mid la mid ah Shaqooyinkaasi, kadib, markii uu Ra’isul-wasaare David Cameron shaaciyey inuu Somalia siinayo mudnaanta Koowaad, isla markaana uu marti-geliyey Labadii Shirweyne ee ka dhacay magaalladda London, kaasi oo looga hadlayey Arrimaha Siyaasadda iyo La-dagaalanak Alshabaab.

Shabakadda Wararka ee forces.net waxay qortay inay Ciiddanka Britishka ee jooga Somalia taageero ka geysanayaan Tababarka Habka Dagaalka, Caafimaadka, Loojistikada iyo Taageeradda Injineeriyada.

Dhinaca kale, 85 Sarkaal oo ka tirsan Kooxda Tababarayaasha Milliteriga dalka UK ayaa ku sugan gudaha magaalladda Muqdisho.

Ciiddankaasi waxaa qeyb ka ah Koox loo yaqaano Hawlgalka TANGHAM OPERATION, kuwaasi oo qaarkooda tababara  Ciiddanka AMISOM, halka kuwa kalena ay Ciiddanka DFS u tababaraan Xeelladaha Dagaalka. Sarkaalka Taliyaha u ah Ciiddanka Hawlgalka Britain ka jooga Somalia,

Kolonel JOHN WAKELIN ayaa sheegay inay Somalia haatan cagta saartay Jihaddii saxda ahayd..

Waxa uu intaasi ku  daray inuu fursad u helay inuu la hadlo Soomaalida badan, kuwaasi oo sheegay inay xaqiiq ahaan Xaalladda Somalia ka duwan tahay marka loo eego sida ay ahayd 5-sanno ka hor.

Xigasho: forces.net