Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dab geystay Khasaaro hantiyadeed oo barqanimadii Maanta ka kacay goobo Ganacsi ah oo ku yaalla Isgoyska Blacksea ee Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.
Dabkaan ayaa markii hore waxaa uu ka kacay kaalin lagu iibiyo shidaalka oo ku taalla Isgoyska Blacksea, waxaana markii dambe uu ku sii faafay Bakhaaro kale oo ku deganaa Xarunta uu dabka ka kacay.
Sidoo kale dabka ayaa gabi ahaan baabi’iyay Fuustooyin ay ku jireen Shidaal iyo agabyo kale oo yaallay Xarunta kaalinta Shidaalka iyo Bakhaarada
Waaxda dab demiska maamulka Gobolka Banaadir iyo dadweyne farabadan ayaa tegay goobta uu dabku ka kacay, iyagoona ugu dambeyntii ku guuleystay demiska dabkii xooganaa, kaasi oo socday daqiiqado dhowr ah.
Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir oo goobta tegay ayaa waxaa uu sheegay in dabka uu geystay Khasaaro hantiyadeed, isla markaana ay wadaan tiro kooban ku aadan Khasaaraha uu geystay dabkaas.
Hoos ka Daawo Warbixin ku saabsan dabka, waxaana Goobta tegay Wariye Maxamed Iidle.