Sawirro:-laba Musharax oo isku soo haray doorashada Madaxweynaha Hir-Shabeelle

Waxaa goordhow soo gaba gaboobay tirinta  Wareega Koowaad ee doorashada Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle iyada oo ay codkooda dhiibteen 97 xildhibaan oo howlka doorashada ku sugan.

Ilaa 8 Musharax ayaa u taagneed qabashada xilka madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle kuwaas oo midkasta uu doonayo in uu ku guuleesto xilkaas.

Musharixinta loo codeynayay ayaa kala helay

1:-Maxamed Diirow Caruushe 0

2:- Daahir Cabdulle Cawaale 20

3:-Cabdi Faarax laqanyo 6

4:-Cabdi Kariin Cali Nuur 2

5:-Cabdi Naasir Xaaji Shirwac Maxamuud 6

6:- Cabdi Raxmaan Xuseen Caddow 0

7:-Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf-dabageed) 1

8:- Maxamed Cabdi Waare. 44

Waxaa tanaasulay oo diiday in uu u gudbo wareega labaad Cabdi Naasir Xaaji Shirwac Maxamuud iyo Cabdi Faarax Laqanyo

Musharixiinta u gudbay wareega labaad ee doorashada ee midkood uu noqon doono Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa kala ah

1:- Daahir Cabdulle Cawaale

3:- Maxamed Cabdi Waare

Goordhow ayaa waxaa bilaaban doonaan wareega labaad.