Sawirro:-Ciidamada Ilaalada Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta oo qabtay Nin ay ka shakiyeen

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa Caawa qabtay nin ay ka shakiyeen kaas oo markii baaritaan lagu sameeyay laga helay Cirbad xili waayadaan ay taagneyd cabsi ku aadan in ay jiraan dad dadka kale ku duraya Cirbad Cudurka HIV AIDS ah.

Ninkaan ayaa isaga oo Caawa la joogo Carruur yar yar ayaa waxaa ka shakiyey Ciidamo ilaalo ka hayey Xarunta Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya kuwaas oo baaritaan ku sameeyey.

Saraakiil ka tirsan laamaha amniga Soomaliya ayaa waxa ay sheegeen in baaritaan kadib Ninkaan laga helay Cirbado uu qarinayey oo ilaa iyo hadda waxa uu ku wado aan la ogeyn,isla markaana markii Su’aalo dhowr ah la weeydiiyey uu kala hadlay.

Masuuliyin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir oo ay ugu horeysay gudoomiyaha degmada Boondheere ayaa gaartay goobta,si ay qeyb uga noqdaan baaritaankaas.

Qabashada Ninkaan ayaa ku soo aadeysa xili maal maahaan Shacabka Muqdisho ay cabsi iyo walwal ka qabeen Haweeney la sheegay mudo todobaadyo ah ka hor in Darawal Mooto Bajaaj ay cirbad Cudurka HIV AIDS ku durtay.