Sawiro: Maxkamada Ciidamada Maamulka Puntland oo riday xukun dil ah

 Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Puntland ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku riday Shan nin oo dhawaan ciidamada amaanka Boosaaso ku qabteen gaari iyo Qaraxyo ay wateen oo ay qorsheynayeen inay ku qarxiyaan qeybo kamid ah magaalada  Boosaaso.

 

Ragaan maanta Xukunka dilka toogasahda ah lagu xukumay ayaa Saraakiisha Maxkamada ciidamada Qalabka sida ee Puntland waxa ay sheegeen in ay qirteen in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-Qaacida.

Akhriso Magacyada Raga la Xukumay

1: Cabaas Ibraahim Yare Aadan  ina Khadiijo Aadan 26-jir ah kuna dhashay Baydhabo –Dil Toogasho

2: Ibraahim Maxamed Canshuur Ina Khadiijo Cabdullaahi Cali 20-jir ah ku dhashay Afgooye Dil Toogasho

3: Aadan Nuur Aadan Cali ina Kuuso Maxamed Nuur 27-jir ah ku dhashay Baydhabo –Dil Toogasho

4: Dhaqane Aadan Cabdi Xassan ina Sacdiyo Isaaq Ibraahim 20-jir ah ku dhashay Qansax dheere Dil toogasho

5: Nuur Cabdi Aadan Isaaq ina Xaawo Wardheer Maxamed 22-jir ah ku dhashay Aw-diinle –Dil Toogasho.

Sawiro