Saraakiisha FIFA oo loo taagay Kaarka Cas (Red Cards)

Madaxda Sare Xiriirka K/cagta ee Caalamka (FIFA) ayaa waxaa maanta ku yeeray Shanqartii ugu xumayd, waxayna gundaha la galeen Fadeexad Baahsan.

Oogtii hore ee saakayto ayey Ciiddanka Khaaska ee dalka Switzerland waxay ku jaramaadeen Hotelka Baur au Lac oo ay ku sugnaayeen Saraakiisha FIFA, oo iyagu ka tashanayey qorshaha Doorashadda Madaxtinimadda FIFA oo Jimcaha dhici doonta.

Toddobadda qof ee ugu miisaanka culus FIFA ayaana la qabtay, kuwaasi oo la hadal hayo in loo masaafurin doono dalka Maraykanka si loogu qaado Eedeymo la xiriira wax is-dabamarin iyo musuqa gaamuray.

Dowladaha Maraykanka iyo Switzerland ayaa midba sheegay inuu bilaabayo baaritaano  la xiriira Dhaqdhaqaaqa Madaxda FIFA.

Maamulaayasha Maraykanaka ayaa sheegay in 9 ka tirsan FIFA iyo 6 ka tirsan Warbaahinadda Ciyaaraha iyo Hawl-fuliyayaasha Suuq-geynta muteysan doonaan in lagu soo oogo Dacwado ay ku jirto inay laaluush ahaan u qaateen in ka badan 150 million oo Dollars.

Saraakiisha FIFA ee loo masaafurin doono dalka Maraykanka kuma jiro Guddoomiyaha FIFA, Sepp Blatter oo ah Muwaadin u dhashay dalka Switzerland.

Waaxda Caddaaladda Maraykanka ayaa magacowday Saraakiisha FIFA ee la xiray, kuwaasi oo kala ah: Webb, Eduardo Li, Julio Rocha, Costas Takkas, Madaxweyne-ku-xigeenka FIFA Eugenio Figueredo, Rafael Esquivel iyo  José Maria Marin.

Daqiiqo qaxar badan ayaa la soo kodoshay FIFA, laakiin Blatter oo ku haminayo in mar 5aad loo doorto Madaxtinimadda FIFA, si uu uga qeyb galo Koobka K/Cagta Caalamiga ee lagu madalsan yahay inay sannadka 2018 lagu qabto Raashiya iyo kan ku xiga ee 2022-ka oo lagu madalsan yahay dalka Qatar.

Si kastaba ha ahaatee, Fadeexadda la soo gubdoonaatay Saraakiisha FIFA ayaa u muuqata Kaar Cad oo Madaxda FIFA loo taagay.

WQ Ustaad Nuradin Abokor Ahmed.RED CARDS