Sagaal Sarkaal oo ka tirsan FIFA oo lagu xiray Switzerland

Ciiddanka Ammaanka ee dalka Switzerland waxay oogtii hore ee saakayto u dhaceen Hotel ay deggan yihiin Madaxda Sare ee Xiriirka K/Cagta Adduunka ee FIFA oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Zurich.

Xarigooda ayaa la sheegay inuu yimid, kadib, markii ay Waaxda Caddaaladda ee dalka Maraykanka codsadeen in Saraakiishaasi loo soo gacan-geliyo.

Saraakiisha Sarsare ee FIFA ee maanta la xiray ayaa waxaa ka mid ahaa Labada G/Xigeenka ee FIFA iyo shan u qaabilsan dhinaca Suuq-geynta Sport-ga, waxaana la sheegay inay  ku kaceen falal musuq ah iyo iyagoo is-dhaafsaday laaluush iyo falal wax u dhimay Hoggaanka FIFA ee labaatankii sanno ee la soo dhaafay.

Saraakiisha la xiray ayaa waxaa ka mid ah Jeffery Webb iyo Jack Warner oo iyagu ah Madaxii hore iyo Madaxa haatan ee Xiriirka K/cagta ee Waqooyiga iyo Bartamaha America ee The Confederation of North, Central American and Caribbean Association Football (CONCACAF) oo hoos taga Xarunta uu Xiriirka K/Cagta ee FIFA ku leeyihiin dalka Maraykanka.

Dowladda Maraykanka ayaa rajeynayso in Saraakiisha FIFA ee lagu qabtay dalka Switzerland loo soo masaafuro Maraykanka, si baaritaano loogu sameeyo.

Dhinaca kale, Afhayeenka FIFA, Walter de Gregorio ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka ee AP inuusan Guddoomiyaha FIFA, Sepp Blatter ka mid ahayn Saraakiisha la xiray.

Saraakiisha FIFA ee ku sugan Switzwerkabd ayaa sheegay in Shirweynaha FIFA lagu dooran doono Guddoomiyaha cusub ee FIFA, oo ay ku loolamayaan Sepp Blatter iyo  Amiir Ali Bin Hussein oo u dhashay dalka Urdun.

Waxaa la filayaa in Saraakiishaasi loo masaafuriyo dalka Maraykanka si loogu soo oogo eedeymaha loo haysto.

  1. Ustaad Nuradin Abokor Ahmed

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor