Ragga Norwegian-ka oo noqon doona kuwa ugu cayilsan Qaaradda Europe

Ragga u dhashay dalka Norway ayaa la hadal-hayaa inay qaadi doonaan Horyaalka Cayilnaanta ee dalalka Qaaradda Europe, iyadoo ay hataan ragga u dhashay dalka Ireland haatan yihiin kuwa ugu cayilsan dalalka ku mideysan Ururka EU-da.

Dalka Norway waxay haatan ka mid tahay mid ka mid ah dalalka Europe ee ugu miisaanka yar, iyadoo ay kaalinta 20-aad kaga jiraan 34 waddan.

Haweenka dalka Norway ayaa iyahana la sheegay inay kaalinta 25-aad kaga jiraan.

Dadka cayilnaanta xad dhaafka hayso ayaa la sheegay inay la halgamayaan cudduro iyo tabar-darri.

Warbixin looga hadlayo cayilnaanta dadka Europe ayaa la filayaa in lagu soo bandhigo Kongareeska Europe ee cayilnaanta oo ka dhici doona caasimadad dalka  Capital of Czech Republic ee Prague

Warbixinta waxaa lagu sheegay in ragga u dhashay dalka Holland yihiin kuwa ugu caataysan ee dalalka Midowga Europe.

Dhinaca kale, Daraasaad uu Machadka “The McKinsey Global Institute” soo saaray bishii November ee sannadkii hore ayaa lagu sheegay inay in ka badan  2.1 billion oo qof oo ku nool Caalamka ay yihiin dad aad u cayilan.

Tiradaasi oo ah ku-dhawaad 30% dadka ku nool Caalamka ayaa ah dad uu miisaankooda aad u culus yahay, waxaana la sheegay inay cayilnaanta xad-dhaafka ah sababto 5% dhimashadda guud ee Caalamka.

Waxaa Turjumay Ustaad Nuradin Abokor Ahmed