QM oo walaac ka muujisay falalka isir-nacaybka ee lagu hayo Qaxootiga ku nool dalka Koonfurta Afrika

Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR) ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan yihiin weeraradda iyo boobka ku salaysan Isir-nacayb oo ay Burcadda Koonfurta Afrika ku boobayaan hantida dadka Qaxootiga ee ku nool dalkaasi.

Wakiil-gobaleedka Hay’adda UNHCR ee dalka Koonfurta Afrika, Nkweta-Salami, ayaa sheegtay inay Qaxootiga u soo gudbiyeen cabasho iyo inay naftooda u baqayaan.

Waxay ugu baaqday Dowladda Koonfurta Afrika in wax laga qabto dadka boobka ku haya hantida dadkaasi.

Ilaa afar Qaxooti Shisheeye ah ayaa la dilay, haka kumanaan kalena labadii isbuuc ee la soo dhaafay laga barakiciyey goobihii ganacsiga ee ay ku lahaayeen nawaaxiga magaalladda Darbin,

Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Koonfurta Afrika, Jakob Zuuma ayaa ku baaqay in la joojiyo qalalaasaha, wuxuuna ku amray Saraakiisha Waaxda Arrimaha gudaah iyo Boliska inay ka wada shaqeeyaan sidii loo joojin lahaa weeraraddaasi, lana xoojiyo Sharciga.